Rice: Waxa Aan Dhalin Karnay 10 Gool

Xiddiga Khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Declan Rice ayaa ka hadlay guushii ay kooxdiisu ka gaadhay Tottenham.

Arsenal ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay Tottenham kulan ka dhacay Emirates kana tirsnaa horyaalka premier League.

Rice ayaa sheegay in ay kooxdiisu dhalin kartay 10 gool kulanka marka loo eego in ay fursado badan sameeyeen kooxdiisu.

“Nasiib xumo maanu dhalin 10 gool caawa!”, ayaa u sheegay TNT.

“Waxaan dhalin karnaa 5 ama 6 gool wax ka badan ugu yaraan, taasina waa waxa ugu niyad jabka badan…”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga