Heshiis Dhaw: Man City Oo Ku Dhaw Saxiixeedii 2-aad Ee Suuqa January

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay horumar degdeg ah ka sameysay heshiiska ay kula soo saxiixaneyso weeraryahanka Eintracht Frankfurt Omar Marmoush.

Citizen ayaa isha ku haya inay si firfircoon ga dhexmuuqdaan suuqa January si ay u badbaadiyaan xilli ciyaareedkooda niyad jabka leh.

Warbixin dhawaan soo baxday ayaa sheegtay in Citizens ay heshiis shaqsi ah la gaartay xiddiga kooxda Frankfurt ee Marmoush, taasoo u gogol xaareysa in labada kooxood ay ka wada hadlaan qiimaha.

Sida laga soo xigtay khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano, Marmoush ayaa ku sii dhowaanaya u dhaqaaqista Man City ka dib horumar weyn oo laga sameeyay wada xaajoodyadii u dhexeeyay Man City iyo Frankfurt.

Wararka ayaa ayaa sheegaya in wadahadaladu ay si degdeg ah u socdaan, iyadoo Man City ay rajeyneyso inay heshiis rasmi ah gaaraan usbuuca soo socda.

Haddii wax walba ay u dhacaan sidii loogu talagalay, Marmoush wuxuu noqon karaa saxiixii labaad ee Man City xagaaga ka dib imaatinka Khusanov.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga