Liverpool Oo Guul Ku Bilaabatay FA Cup-ka Iyo Federico Chiesa Oo Goolkiisii Ugu Horeeyay U Dhaliyay Reds

Kooxda Liverpool ayaa guul ka gaadhay kooxda Accrington Stanley kulan ka tirsanaa areega 3-aad e tartanka FA Cup-ka.

Kulanka ayaa ka dhacay Anfield kulan ka tirsanaa wareega 64-ka ee tartanka FA Cup-ka.

Kulanka waxa ka maqnaa xiddigo badan oo kooxda 1-aad ah iyada oo Slot nasiyay xiddigaha muhiimka ah ee kooxda 1-aad.

Diogo Jota ayaa daqiiqadii 29-aad ee ciyaarta u dhaliyay kooxda Liverpool goolkii ugu horeeyay ee ciyaarta,ka hor inta uuna Trent Alexander-Arnold 45-daqiiqo ee ugu horeeyay dhalin goolka labaad.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay ayaa waxaa Liverpool u dhaliyay ciyaaryahan Jayden Dance oo bedel ku soo galay, ka hor inta uusan Federico Chiesa dhalin goolkiisii ​​ugu horeeyay ee Reds, isagoo ciyaarta ku soo gabagabeeyay  4/0.

Guushaan ayay Liverpool ugu soo baxday wareegga 32-ka ee FA Cup-ka, iyadoo sugaysa natiijada isku aadka la samayn doono kaddib kulanka ugu dambeeya ee wareegga 64-ka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga