
Kooxda reer Brazil ee Palmeiras ayaa wadahadalo kula jirta kooxda Arsenal iyaga oo ka doonaya xiddiga Khadka dhexe ee Jorginho sida ay sheegayaan wararku.
Xiddiga 33 jirka ah ayaa galay 6-dii bilood ee ugu dambeeyay kooxda Mikel Arteta taas oo la macno ah in uu si xor ah uga tagi doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Arsenal ayaan wali wadahadalo la furin Jorginho si ay heshiis cusub uga saxiixato xiddiga walina xal lagama gaadhin arintiisa.
Sida laga soo xigtay ESPN Brasil, wakiilka Jorginho ayaa wadahadalo la yeeshay kooxda Brazil ee Palmeiras, in kasta oo aanay wali wax dalab ah ka gudbin xiddiga.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Jorginho uu ka fiirsan doono ka tagista kooxda Arsenal suuqa January.
Be the first to comment