Chelsea Oo Isku Diyaarinaysa Dalab Ay Ka Gudbinayso Saxiixa Xiddig Dheeman Ka Ah Man United.

Chelsea ayaa diyaar u ah inay isku daydo inay lasoo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Kobbie Mainoo suuqa Janaayo hadii ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England uu muujiyo inuu xiiseynayo ku biirista kooxda sida ay sheegayaan wararku.

Bilowgii todobaadkan ayay warar lama filaan ah soo bexeen kuwaas oo sheegayay in ay Blues hogaaminayso tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga maadama ayna kooxdu wali u soo bandhigin heshiis cusub.

Arintaas ayaa shaki galisay mustaqbalka Mainoo ee Ma United inkasta oo ay kooxda Amorim 19 jirka u aragto mid aan la taaban karin.

Inkasta oo xiisaha chelsea ee Mainoo uu kaliya yahay mid afka ah waxa ay kooxda chelsea u dhaqaaqi doontaa saxiixa xiddiga hadii uu xiddigu muujiyo in uu diyaar u yahay u dhaqaaqista Blues.

Wargaysksa The Times ayaa sheegaya in ay Blues diyaarinayso dalab Furitaan ah oo ay ku doonayso saxiixa xiddiga Mainoo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga