Ian Wright ayaa ku booriyay maamulka kooxda Arsenal inay taageeraan Mikel Arteta suuqa kala iibsiga ee January si ay u badbaadiyaan xilli ciyaareedkooda.
Arsenal ayaa ku dhibaatootay kulankii ay la ciyaareen Newcastle United iyaga oo ku tiirsan xiddigaha Kai Havertz iyo Gabriel Martinelli.
Kooxda Arteta ayaa haatan waxaa ka maqan xiddigeeda Bukayo Saka oo dhaawac muruqa ah qaba, halka kabtanka kooxda Martin Odegaard uu la dhibtoonayay qaab ciyaareedkiisa toddobaadyadii la soo dhaafay.
Kulamadii hore ayay Gunners sidoo kale dhibco lumisay iyaga oo dhaafi waayay Kooxaha Fulham, Everton Iyo Brighton iyaga oo ku dhibaatoonaya weerarka.
Isaga oo hadlaya kadib guuldaradii kooxda Arsenal ka soo gaadhay Newcastle, Halyeeyga Arsenal ee Wright ayaa u sheegay kooxda in ay suuqa galiso lacag Bisha January.
“Waa in aad eegto maamulka sare ee kooxda haatan”ayuu yidhi xiddigii hore ee Arsenal.
“Ma garanayo waxa ay tahay in aad samayso laakiin waa in aad wax isku daydo”ayuu yidhi.
“Arteta waxa uu u baahanyahay caawin waan ogahay in suuqa January ay adagtahay in saxiixyo la sameeyo laakiin kooxdu wax ayay u baahatahay”.
Be the first to comment