Raphinha, de Jong, Grealish, Tchouameni Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa ay maalmo yar inaga xigaan furitaanka suuqa kala iibsiga January waxana durba isa soo taraya wararka ku saabsan xiddigaha.

Kooxaha ayaa u dadaalaaya sidii ay u dhamaystiri lahaayeen saxiixyo cusub si ay ugu xoojiyaan kooxda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Halkan kaga bogo wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga maalin kasta.

Manchester United ayaa diyaar u ah inay bixiso lacag dhan €90m oo u dhiganta (£74.5m) si ay ula soo saxiixato weeraryahanka Barcelona Raphinha kadib codsi uga yimid tababaraha kooxda ee Ruben Amorim (El Nacional).

Waxaa sidoo kale lala xiriirinayaa inuu ka tagayo Barcelona xiddiga khadka dhexe ee Frenkie de Jong, kaasoo ka codsaday agaasimaha isboortiga Deco inuu aqbalo dalab kasta oo macquul ah suuqa kala iibsiga January (El Nacional).

Manchester City ayaa ka niyad jabsan qaab ciyaareedka Jack Grealish, waxayna isku diyaarin doontaa inay dhageysato dalabyada u imaanaya xiddiga heerka caalami ee dalka England dhamaadka xilli ciyaareedkan (Football Insider).

Tababaraha kooxda Atalanta Gian Piero Gasperini ayaa ku qanacsan in xiddiga khadka dhexe ee Charles De Ketelaere uu u ciyaari doono midkood kooxaha Liverpool ama Real Madrid labada sano ee soo socota (La Repubblica).

Everton ayaa u soo bandhigi doonta goolhaye Jordan Pickford “heshiis nololeed” si ay isaga difaacdo xiisaha kooxaha Barcelona, ​​Chelsea iyo Bayern Munich ee ku aadan goolhayaha England (TBR Football).

Arsenal ayaa xiiseyneysa saxiixa goolhayaha Boca Juniors Leandro Brey (Pasion Futbol).

Tababaraha Liverpool Arne Slot ayaa ogolaaday u dhaqaaqista ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Aurelien Tchouameni, iyadoo kooxda reer Spain la filayo inay tixgeliso dalabyada u imaanaya xiddiga reer France (Fichajes).

Chelsea ayaa ku qasban inay iibiso 11 ciyaartoy bisha January i ay uga fogaato ganaax lacageed, Juventus ayaana isha ku heysa mid ka mid ah daafaca dhexe ee Benoit Badiashile (La Gazzetta dello Sport).

Sidoo kale waxa Juventus diirada u saaran daafaca dhexe ee AC Milan Fikayo Tomori (Tuttosport).

Tababaraha kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa u muuqda mid diirada u saaran kooxda Roma hadii kooxda La Liga u dhaqaaqdo saxiixa Xabi Alonso dhamaadka xilli ciyaareedkan (La Gazzetta dello Sport).

Kooxda PSG ayaa Kooxda Arsenal u soo bandhigaysa saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara ee Randal Kolo Muani (Standard).

Man United ayaa loo soo bandhigay saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara ee Victor Osimhen iyada oo Napoli u furan in ay xiddigo is dhaafsadaan (TBR Football).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga