Van Dijk Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Liverpool, Maxaa Cusub?

Kabtanka Liverpool Virgil van Dijk ayaa sheegay in ayna wax cusub ka jirin heshiiskiisa isla markaas aan wakhti la qaban si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda isaga oo galaya 6-dii bilood ee ugu dambeeyay ee heshiiskiisa.

Heshiiska Van Dijk ee Liverpool ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan walina heshiis cusub uma saxiixin kooxda.

Xiddiga 33 jirka ah ayaa muddo wax laga waydiinayay mustaqbalkiisa kooxda Liverpool walina waxa uu sheegayaa in uuna war cusub ka jirin arintaas.

“Ma jiro wax cusub, waan arki doonaa waxa uu mustaqbalku keeno”ayuu Van Dijk yidhi.

Van Dijk ayaa muhiim ka ah kooxda Liverpool waxana uu doonayaa in uu kooxda ka caawiyo ku guulaysiga premier League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga