
Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in uu filayo in uu Bukayo Saka garoomada ka maqnaan doono todobaadyo kadib dhaawacii muruqa ka soo gaaray kulankii sabtidii ay 5/1 kaga badiyeen Crystal Palace.
23-sano jirkaan ayaa dhaawacmay qeybtii hore ee kulankii London derby ee Selhurst Park, isagoo isla markiiba qabsaday dhabarka bowdada oo uu ka dhaawacmay ka dib markii karoos sameeyay.
Haatan waxa la xaqiijiyay in uu garoomada ka maqnaan doono muddo sabab la xidhiidha dhaawaca soo gaadhay.
Xiddiga ayaa la sheegayaa in uu garoomada ka maqnaan doono 2 bilood kadib dhaawaca soo gaadhay.
Saka ayaa maqnaan doona ama seegi doona ugu yaraan 14 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.
Bukayo ayaa kooxdiisa ka maqnaan doona Tottenham Hotspur oo ay la ciyaari doonaan 15 January, Man United oo ay la ciyaari doonaan FA Cup-ka, Semi-final-ka Carabao cup-ka.
Saka ayaa seegaya sidoo kale labada kulan ee ugu dambeeya champions League ee ay Arsenal la ciyaari doonto Dinamo Zagreb iyo Giron halka sidoo kale seegi doono kulamada Man City iyo West Ham.
Be the first to comment