Barcelona Oo Guuldaro Lama Filaan Ah Kala Kulantay Las Palmas.

Kooxda Barcelona ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Las Palmas kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Barcelona doonaysay in ay ku soo laabato wadada guulaha kadib bar-barihii kulankii ugu dambeeyay.

Kooxda Las Palmas ayaa Daqiiqadii 49-aad dhalisay goolka furitaanka waxana u dhaliyay xiddiga Sandro Ramirez kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Laakiin xiddiga Raphinha ayaa Barcelona u dhaliyay goolka bar-baraha isaga oo ciyaarta ku soo celiyay bar-baro.

Kooxda Las Palmas ayaan is dhiibin waxana daqiiqadii 67-aad goolka u dhaliyay xiddiga Fabio Silva Kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay kooxdiisu ku hogaaminayso.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona mar kale dhibco ku lumisay kulan horyaalka ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga