Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheysay inay wadahadalo heshiis kordhin ah la gasho Virgil van Dijk dhamaadka 2024.
Xiddiga reer Holland ayaa ka mid ah seddexda xiddig ee Liverpool ee galay 12-kii bilood ee ugu dambeeyay qandaraaskooda, waxaana kula jira Trent Alexander-Arnold iyo Mohamed Salah.
Kabtanka Liverpool ayaa horay u sheegay inuu ku faraxsan yahay Anfield, laakiin wuxuu dhawaan qirtay inaysan jirin wax horumar ah oo laga gaaray wadahadalada qandaraaska.
Sida ay xaaladdu tahay, Liverpool ayaa halis ugu jirta inay lumiyaan Van Dijk iyada oo daafacu la hadli karo kooxaha kale suuqa January.
Madaxda Liverpool ayaa haatan diirada saaraya suuqa kala iibsiga xagaaga iyaga oo doonaya in ay xoojiyaan kooxda Arne Slot ka hor dhamaadka August 30.
Sida laga soo xigtay Football Insider, Liverpool ayaa qorsheyneysa inay wadahadalo qandaraas kordhin ah la yeelato Van Dijk dhamaadka sanadka.
Be the first to comment