Suuqa ayaa si Rasmi ah u furmay iyada oo kooxaha kala duwan u furantahay in ay dhamaystiraan saxiixyada.
Kooxaha ayaa haatan bilaabi kara in ay sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxooda.
hadaba kooxda.com waxa ay idiin balan-qaadaysaa in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararkii ugu dambeeyay ee suuqa.
Manchester United ayaa ku hanjabtay inay ka bixi doonto wadahadalada daafaca dhexe ee Bayern Munich Matthijs de Ligt ka dib markii kooxda Bundesliga ka dhisan ay diiday inay hoos u dhigto qiimaha ay ku doonayso (GIVEMESPORT).
Kooxda Man United ayaa kooxaha sucuudiga u soo bandhigay xiddiga Antony (Football Insider).
Liverpool ayaa Isku diyaarinaysa dalab ay kooxaha suuudiga ka soo gudbiyaan Mohamed Salah oo dhan 100 milyan oo euro (Football Insider).
Real Madrid ayaa diyaarinaysa dalab dhan 50 milyan oo euro o ay ku doonayso daafaca dhexe ee kooxda Tottenham Hotspur Cristian Romero (Doble Amarilla).
Kooxda Arsenal ayaa beenisay wararka la xidhiidhinaya xiddiga Napoli ee Victor Osimhen (Corriere dello Sport).
Man United ayaa dhinaceeda isku diyaarinaysa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Brentford ee Ivan Toney (Football Insider).
Kooxda Napoli ayaa ka fikiraysa in ay u dhaqaaqdo goolhayaha kooxda chelsea ee Kepa Arrizabalaga (Corriere dello Sport).
Manchester City ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Crystal Palace Eberechi Eze si uu uga caawiyo bedelka Julian Alvarez oo ku biiraya Atletico Madrid (Football Transfers).
Kooxda Barcelona ayaan wali ka quusan saxiixa xiddiga Nico Williams kaas oo ay doonayso in ay keento Camp Nou (Gerard Romero).
chelsea ayaa laga yaabaa in ay Newcastle ka afduubato saxiixa daafaca Marc Guehi (Ekrem Konur).
Be the first to comment