Klopp Oo Guardiola Ku Garaacay Tababaraha Ugu Fiican January

Tababaraha Jarmalka ee Liverpool, Jurgen Klopp, ayaa ku guulaystay tababarihii ugu fiicnaa bishii January ee la soo dhaafay.

Premier League ayaa ku dhawaaqay in Klopp uu ku guuleystay abaal-marinta macallinka bisha January ee Premier League.

Klopp ayaa la tartamay tababaraha Manchester City Pep Guardiola, tababaraha Arsenal Mikel Arteta, iyo tababaraha Luton Town Rob Edwards.

Liverpool waxa ay ciyaartay 3-kulan bishii January,waxana ay badisay dhamaantood waana bishii uu Klopp ku dhawaaqay in uu isaga tagi doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedka.

Liverpool ayaa garaacday Newcastle, Bournemouth iyo Chelsea, iyagoo dhaliyay afar gool mid kasta oo ay badiyaan, waxaana ay ku dhammeeyeen bisha inay hogaanka u hayaan Premier League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga