Xiddig U Ciyaara Liverpool Oo Loo Doortay Xiddiga Ugu Fiican Premier League Bishii January.

Horyaalka Premier League ayaa ku dhawaaqay cayaaryahankii ku guuleystay abaal-marinta xiddiga bisha January ee horyaalka Ingiriiska.

Diogo Jota iyo Connor Bradley oo Liverpool ka tirsan, Elia Adebayo oo ka socday Luton Town, Kevin De Bruyne oo ka socday Manchester City, Gabriel Magalhaes oo Arsenal ka tirsan, iyo Richarlison oo ka socday Tottenham.

Ciyaaryahanka Liverpool Jota ayaa ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka bisha Janury 2024, waxaana uu helay abaalmarinta markii ugu horeysay xirfadiisa ciyaareed.

Xiddiga reer Portugal ayaa badal ku soo galay Liverpool isaga oo caawiye ka noqday kulankii ay 4/2 uga badiyeen Newcastle United.

Jota ayaa dhaliyay seddex gool, waxaana uu ka qeyb qaatay labo caawin seddex kulan oo uu u saftay Liverpool, iyadoo kooxdiisa ay gaartay seddex guul oo xiriir ah.

Jota ayaa laba gool ka dhaliyay kooxda Bournemouth oo uu gool caawineed ku daray kulankii Bournemouth, Jota ayaa laba gool ka dhaliyay kooxda Bournemouth oo uu gool caawineed ku daray kulankii ay 4-0 kaga badiyeen kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga