Zidane Oo Ka Hadlay Wararka Mbappe La Xidhiidhinaya Real Madrid.

Tababarihii hore ee kooxda Real Madrid, Zidane ayaa ka hadlay wararka xanta ah ee sheegaya in wiilka ay isku dalka yihiin ee Kylian Mbappe, garabka uga ciyaara kooxda Paris Saint-Germain, uu u wareegayo Los Blancos.

Xiddiga reer France ayaa si isdaba joog ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo kooxda Real Madrid xagaaga soo socda ee suuqa kala iibsiga, maadaama uu qandaraas kula jiro kooxda ka dhisan caasimada France dhacayo xagaaga dambe.

Zidane oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi“Waxaa jira hadal badan oo ku saabsan heshiiskan.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Waxaa jira sheekooyin badan iyo warar xan ah oo ku saabsan Kylian u dhaqaaqida Real Madrid”.

Tababarihii hore ee Real Madrid oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Laakiin runtu waxay tahay in aanu garanayn waxa dhici doona”.

Halyeyga xulka qaranka France ayaa hadalkiisa ku soo xidhay: “Waan arki doonaa waxa ka dhaca heshiiska Mbappe”.

Laacibka 25-jirka ah ayaa 29-kulan la ciyaaray kooxda ka dhisan caasimadda France, dhammaan tartamada, tan iyo billowgii xilli ciyaareedkaan, isagoo dhaliyay 30 gool, wuxuuna caawiyay 7 kale.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga