
Andrea Barzagli, oo ah daaficii hore ee kooxda Juventus, ayaa saadaaliyay kooxda u gudbi doonta wareega xiga kooxaha Barcelona iyo Napoli.
Blaugrana ayaa wajaheysa kooxda Napoli kulan ka tirsan wareega 16-ka tartanka champions League.
Barzagli oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”“Marka laga soo tago macsalaamaynta Xavi, Barcelona waxay la kulantay dhibaatooyin kale sanadkan”.
Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Waxay keeneen ciyaartoy da’yar oo badan, laakiin waxa ay lumiyeen difaacooda adag marka loo eego xilli ciyaareedkii hore”.
Waxa uu intaa ku daray: “Laakiin dhalinyaradu waxay sidoo kale garanayaan sida loo gaaro natiijooyin lama filaan ah, taariikhda Barcelona ee Champions League waxay yeelan doontaa saameyn.”
Wuxuu ku daray: “Tani waxay caqabad ku noqon doontaa Napoli, taasoo aan si fiican u shaqeynin, sababtoo ah si joogto ah si fiican uguma ciyaaro”.
Be the first to comment