Yan Diomande oo markii ugu horeysay kahadlay kubiiristiisii Real madrid….

Xiddiga da’da yar ee Yan Diomande ayaa ka hadlay dareenkiisa kadib markii uu helay fursad uu ugu biiray Real Madrid.

Diomande ayaa sheegay in wicitaanka Real Madrid uu u ahaa daqiiqad gaar ah oo uu aad ugu faanay, isagoo qiray in ku biirista kooxda caanka ah ay tahay riyo u weyn ciyaartoy kasta.

Yan Diomande: “Markii Real Madrid ii soo wacday… waxaan dareemay inaan aad u faanayo ama sharaf weyn.”

Hadalkan ayaa muujinaya sida uu ciyaaryahanku ugu faraxsan yahay fursadda uu u helay inuu xirto maaliyadda Los Blancos, isla markaana qayb uga noqdo mashruuca kooxda mustaqbalka.

Real Madrid ayaa muddo dheer caan ku ahayd inay soo jiidato ciyaartoyda da’da yar ee hibada leh, Diomande-na wuxuu rajaynayaa inuu fursaddan uga faa’iideysto sidii uu magac uga sameysan lahaa Santiago Bernabéu.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga