Xiddiga Paris Saint-Germain Ousmane Dembélé ayaa amaan weyn u jeediyay saaxiibkiis Khvicha Kvaratskhelia, isagoo sheegay inuu u qalmo abaalmarinta Ballon d’Or.
Dembélé ayaa yiri:“Kvaratskhelia waa ciyaaryahanka ugu fiican adduunka. Aad ayaan ugu farxi lahaa haddii uu ku guuleysto Ballon d’Or.”
Xiddiga reer France ayaa intaas ku daray: “Aragtidayda, wuxuu u qalmaa abaalmarintan.”
Hadallada Dembélé ayaa kusoo beegmaya xilli tartanka Ballon d’Or uu marayo marxalad xasaasi ah, iyadoo ciyaartoy badan loo arko inay ku jiraan loollanka abaalmarinta sannadkan.
Dembele waa iska indha tiray Mbappe iyadoo hadalkan uukusoo beegmayo xili dhawaan kacarooday Mbappe inuu sheegtay inuu yahay kan ugu fiican caalamka.
Be the first to comment