Xiddiga Real Madrid, Kylian Mbappé, ayaa amaan weyn u jeediyay da’yarka Barcelona ee Lamine Yamal, isagoo sheegay inuu yahay ciyaaryahan leh karti aad u sarreysa.
Mbappé ayaa wareysi uu siiyay AS ku yiri: “Lamine Yamal waa ciyaaryahan aad u karti badan, waxaana dareemayaa inuu yeelan doono xirfad ciyaareed oo weyn. Waxaan u rajaynayaa wanaag oo dhan.”
Hadalkan ayaa muujinaya ixtiraamka Mbappé uu u hayo Yamal, oo ka mid ah ciyaartoyda da’da yar ee sida weyn looga hadlo kubadda cagta Yurub.
Yamal ayaa sanadkan si weyn uwacdareynaya isagoo kamid ah kuwa usharaxan ku guuleysan abaalmarinta kubada dahabka.
Be the first to comment