Yaabka Adduunka: Tababaraha Chelsea Enzo Maresca Oo Taageerayaasha Kooxdiisa Ku Eedeeyay Goolkii 2-aad Ee Laga Dhaliyay Kooxdiisa.

Enzo Maresca ayaa u muuqday mid soo jeediyay in jamaahiirta Chelsea ay qayb ka qaateen goolkii labaad ee Ipswich Town iyadoo Blues ay barbaro 2-2 ah ku gashay Premier League.

Blues ayaa Axadii Stamford Bridge ku soo dhawaysay Tractor Boys iyaga oo rajaynaya in ay helaan saddex dhibcood oo fudud si ay u xoojiyaan fursadooda u soo bixista tartanka champions League.

Laakiin Ipswich ayaa ahayd kooxda fician qaybtii hore iyaga oo dhaliyay 2 gool oo deg-deg ah.

Chelsea ayaa qaybtii dambe ku soo laabatay ciyaarta waxana ay ciyaartu ku dhamaatay bar-baro 2/2 ah.

Natiijadaas ayaa keentay in ay Kooxda Chelsea gasho kaalinta 5-aad laakiin waxa ay wali ku jiraan dagaal adag oo booska loogu soo boxo champions League ah.

Goolkii 1-aad ee Ipswich ayaa yimid kadib markii goolhaye Robert Sanchez uu doortay in uu kubada fogeeyo halkii uu baas ciyaari lahaa waana arin ka soo hor jeeda qaab ciyaareedka Maresca.

Si kasta ha ahaatee tababaraha ayaa sheegay in qaylada taageerayaasha Iyo waliba jawigii garoonka Stamford Bridge uu Goolhaye Sanchez ku qasbay in uu sameeyo khalad kadib markii uu naxay.

“Waxaan u maleynayaa inaan ku bilownay si wanaagsan, anagoo abuurnay fursado. Kadib markii ay dhaliyeen goolkii ugu horeeyay ciyaarta gabi ahaanba way isbedeshay,’ Maresca ayaa ku yidhi shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta kadib.

“Marka uu Goolhayuhu gacanta ku dhigo kubada waxa aan doorbidnaa in aanu baas ku bilowno kubada”

“Goolkii 2-aad, waxa uu Goolhayuhu go’aansaday in uu kubada fogeeyo sababta oo ah jawiga garoonka kadib gool ayaa nalaga dhaliyay”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga