
Roy Keane ayaa ku amaanay Liverpool in ay Mohamed Salah ku sii hayaan Anfield wuxuuna ku adkaystay in uu yahay mid gaar ah oo ay Arsenal ku guulaysan lahayd Premier League hadii uu ka mid ahaan lahaa kooxda Gunners.
Koobka Premier League ayaa todobaadyo gudahood ku aadi doona garoonka Anfield ka dib markii Liverpool ay sii dheereysatay hogaanka horyaalka isbuucaan.
Arsenal ayaa kaliya awooday inay barbaro 1-1 ah garoonkeeda kula gasho Brentford sabtidii, Liverpool ayaana 2-1 ku garaacday West Ham iyagoo 13 dhibcood oo nadiif ah ka horaysa iyada oo 6 kulan ka dhimantahay xilli ciyaareedka.
Waxa uu todobaad fiican u ahaa taageerayaasha Liverpool sababta oo ah waxa ay u dabaal-dageen guul kadib markii uu Mohamed Salah mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda isla markaas saxiixay heshiis usub.
Heshiiskii hore ee Salah ayaa ku ekaa xagaagii, waxaana xiddiga reer Masar lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Saudi Arabia lacag qaali ah.
Si kastaba ha ahaatee, Jimcihii ayaa lagu dhawaaqay in Salah oo ah ciyaaryahanka ugu fiican Premier League xilli ciyaareedkan uu qalinka ku duugay heshiis cusub oo labo sano ah oo uu kula sii joogayo Liverpool.
Kabtankii hore ee Manchester United Keane ayaa aaminsan inay muhiim u ahayd Liverpool inay heshiis cusub ka saxiixdo ciyaartoyga gaarka ah ee Salah, waxaana uu sheegay in Arsenal ay ku guuleysan laheyd horyaalka hadii uu ka ciyaari lahaa Emirates.
“Waxa uu qabtaa shaqo fiican todbaad kasta”ayuu yidhi yidhi.
“Waxa uu dhaliyaa goolal ama wuu caawiyaa”
“Hadii uu u ciyaari lahaa Arsenal waxa ay si fudud uGu guulaysan lahayd horyaalka xilli ciyaareedkan”ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment