Xulka Qaranka Belgium Oo Ka Quustay Thibaut Courtois Iyo Murugada Real Madrid

Kooxda kubadda cagta Real Madrid iyo xula qaranka Belgium ayaa war ay ka nexeen ka helay dhaawaca goolhaye Thibaut Courtois oo ka hor intii aanu bilaabmin horyaalka LaLiga ee xilli-ciyaareedkan ka jabay jilibka, isla markaana lagu sameeyey qalliin la filayay in uu sababi doono in uu garoomada kusoo laaban doono ka hor inta aanu bilaabmin tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024.

Thibaut Courtois oo uu dhaawaciisu yimid horraanta bishii August, maalmo ka hor intii aanu bilaabmin xilli-ciyaareedku, ayaa dhakhaatiirtu ay u qabteen in bilaha April ama May uu kusoo laabanayo garoomada, laakiin waxa waqtigaas ku yimid isbeddel.

Wararka laga helayo Spain ayaa sheegaya, in Thibaut Courtois uu ka maqnaan doono tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 ee bilaha June iyo July ee sannadka dambe, isla markaana ay suurtogal tahay in xataa uu seego ciyaaraha saaxiibtinimo ee xagaaga ee ay kooxdiisa Real Madrid safarka ugu bixi doonto Maraykanka.

Sida ay sheegtay idaacadda Radio Marca, Courtois ma awoodi doono inuu ciyaaro tartankaas, sababtoo ah waxyar ka hor waqtiga uu bilaabmayo ayuu kusoo laaban doonaa tababarka, waxaana dedaal badan ku bixinaya Luis Llopis oo ah tababaraha goolhayaha ee Real Madrid.

Warka ayaa intaa ku daray, in go’aanka Thibaut Courtois ee xulka qaranka Belgium iyo Euro 2024 uu ku xidhnaan doono soo-kabashadiisa balse ay fursaddiisu aad u yar tahay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga