Wayne Rooney oo kashifay in Shaqada laga ceyrin doono Macalinka Manchester United …….

Halyeeyga Wayne Rooney ayaa walaac ka muujiyay mustaqbalka tababaraha Michael Carrick ee Manchester United, isagoo sheegay in cadaadiska shaqada Old Trafford uu yahay mid aad u weyn, Rooney ayaa sheegay in Carrick uusan haysan waqti badan oo uu ku sugayo horumar, gaar ahaan maadaama United ay si aan wanaagsanayn ku bilaabatay xilli ciyaareedka.

Manchester United ayaa xilli ciyaareedka ku bilaabatay guuldarro 2-0 ah oo ay kala kulantay Hull City, ka hor inta aysan garaacin Ipswich Town, halka kulankii xigay ay 2-2 la galeen Everton, Rooney wuxuu sheegay in haddii aad tahay tababaraha Manchester United, aad si fiican u ogtahay cadaadiska ku hareeraysan shaqada, isla markaana aysan jirin waqti badan oo lagu sugo natiijooyinka.

Wuxuu sidoo kale dhaliilay suuqa kala iibsiga xagaaga ee United, isagoo aaminsan in kooxda ay u baahnayd xoojin dheeraad ah, gaar ahaan dhinaca daafaca, Rooney wuxuu tusaale u soo qaatay Arsenal iyo horumarkii ay sameeyeen intii uu Mikel Arteta kooxda hoggaaminayay, isagoo sheegay in United ay sidoo kale u baahan tahay hannaan iyo waqti si ay dib ugu soo laabato heerkii hore.

Rooney ayaa si gaar ah uga hadlay kabtanka United, Bruno Fernandes, isagoo sheegay inuu yahay ciyaaryahan uu aad u jecel yahay, balse u baahan ciyaartoy badan oo garab istaaga, Wuxuu tilmaamay in Fernandes uu u muuqan karo ciyaaryahan keligiis isku dayaya inuu kooxda horumar gaarsiiyo, halka saxiixyada cusub aysan weli siin United awood ku filan oo ay kula tartanto kooxaha ugu sarreeya Premier League.

Rooney wuxuu xusay in taageerayaasha Manchester United ay weli filayaan Premier League iyo Champions League, maadaama kooxda ay taariikh weyn ku leedahay tartamadaas, balse xaqiiqadu tahay in kooxda hadda aysan weli joogin heerkaas.

Carrick iyo Manchester United ayaa hadda wajahaya waqti muhiim ah. Kooxdu waxay Khamiista la ciyaari doontaa Sabah kulan Champions League ah, iyadoo rajaynaysa inay tartanka Yurub ku bilaabato guul, Kadibna Axadda waxaa Old Trafford lagu ciyaari doonaa Manchester Derby, iyadoo United ay la kulmi doonto Manchester City.

Labada kulan ayaa noqon kara fursad muhiim ah oo Carrick ku muujiyo in kooxdu horumar samaynayso, balse haddii natiijooyinka xumaadaan, cadaadiska saaran tababaraha ayaa sii kordhi kara.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga