Sirta ka dambeysay dabaaldegga Lamine Yamal kadib goolashii Valencia uuka dhaliyey

Warbixin cusub ayaa shaaca ka qaaday sababta xiddiga Barcelona iyo xulka Spain, Lamine Yamal, uu far keliya afka u saaray kadib markii uu gool ka dhaliyay Valencia, Barcelona ayaa Axaddii kulan ka tirsan wareegga 4-aad ee La Liga ku burburisay Valencia 5-0, ciyaar ka dhacday garoonka Mestalla.

Kooxda uu hoggaamiyo tababare Hansi Flick ayaa si buuxda u maamushay ciyaarta, waxaana guushan ay Barcelona siisay inay keligeed hoggaanka La Liga qabato iyadoo leh 12 dhibcood, Barcelona ayaa sidoo kale ka faa’iidaysatay guuldarradii Real Madrid ay kala kulantay Real Betis Jimcihii.

Lamine Yamal ayaa ka mid ahaa xiddigihii ugu muhiimsanaa kulanka, isagoo laba gool ka dhaliyay Valencia, Markii uu dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay, Yamal wuxuu sameeyay dabaaldeg si gaar ah indhaha u soo jiitay. Xiddiga reer Spain ayaa fartiisa afka saaray, kadibna wuxuu fariin u diray kamaradda garoonka.

Dabaaldeggaasi wuxuu keenay in taageerayaal badan ay is weydiiyaan qofka uu fariintaas u dirayay iyo waxa uu ula jeeday, Sida ay sheegtay warbaahinta Sport, sababta ka dambeysa dabaaldegga Yamal waxay la xiriirtaa walaalkiis ka yar, Keyn, kaasoo Axadda soo socota u dabaaldegaya dhalashadiisa afaraad.

Sidaas darteed, dabaaldegga Yamal ayaa loo fasiray inuu ahaa fariin gaar ah oo uu u dirayay walaalkiis yar, Arrintan waxay sidoo kale muujinaysaa xiriirka dhow ee ka dhexeeya Lamine Yamal iyo walaalkiis, kaasoo hore si weyn loo arkay intii lagu jiray Koobkii Adduunka 2026, xilli Spain ay ku guuleysatay tartanka.

Guushii weynayd ee Valencia waxay Barcelona siisay saddex dhibcood oo muhiim ah, iyadoo kooxda Catalan-ka ah hadda haysata 12 dhibcood kadib afar kulan, Lamine Yamal ayaa mar kale muujiyay inuu yahay mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda Barcelona, iyadoo labada gool ee uu dhaliyay ay qayb weyn ka noqdeen guushii weynayd ee 5-0.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga