Fabrizio Romano Oo Faahfaahin Ka Bixiyey Saxeexa Manchester United Ee Serhou Guirassy

Khabiirka suuqa iibka ciyaartoyda ee Fabrizio Romano ayaa faahfaahin dheeraad ah ka helay qorshaha Manchester United ay kula saxeexanayso gool-dhaliyaha kooxda kubadda cagta Stuttgart ee Serhou Guirassy oo uu tababare Erik ten Hag dalbaday in loo keeno bisha January.

Serhou Guirassy oo ay da’diisu tahay 27 jir ayaa bandhig heersare ah ka samaynaya horyaalka Bundesliga ee waddanka Germany oo uu xilli-ciyaareedkiisii koowaad ku qaadanayo, waxaana 11 ciyaarood oo kaliya oo uu u saftay kooxdiisa uu u dhaliyey 17 gool iyo laba uu caawiye ka noqday, kuwaas oo 16 gool oo ka mid ah ay yihiin horyaalka Bundesliga.

Guirassy ayaa xilli-ciyaareedkii hore waxa uu Stuttgart kula joogay amaah ay kaga sooq aateen Rennes oo uu u dhaliyey 14 gool oo dhamaan tartamada ah, laakiin xilli-ciyaareedkan oo uu rasmi ku noqday ayaa uu noqday mishiin dhinaca goolasha ah.

Heshiiska uu Serhou Guirassy kula jiro kooxdiisa Stuttgart ayaa lagu burburin karayaa £15.1 milyan oo Gini oo kaliya, waxaana si weyn u doonaysa Manchester United oo tababare Erik ten Hag ay ka go’an tahay in bisha January uu helo weeraryahan ku fiican dhainta goolasha.

Fabrizio Romano oo ka hadlayay bartiisa YouTube-ka ayaa yidhi: “Guirassy waxa wada-hadal la yeelatay Manchester United. Waa fursad weyn oo suuqa ah, waxaanu ka mid yahay kuwa ugu waaweyn sababtoo ah waxa uu goolal badan u dhaliyey Stuttgart, waxaana lagu heli karayaa lacag jaban oo qandaraaskiisa lagu burburin karayo.”

Guirassy waxa kaliya oo ka goolal badan Harry Kane oo 18 gool ka dhaliyey horyaalka Bundesliga, laakiin waxa uu Guirassy ciyaaray kulamo ka yar inta uu Harry Kane u dheelay Bayern Munich, farqiga u dhexeeyaana waa laba gool oo kaliya.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga