Taageerayaasha Manchester United ayaa qorsheynaya inay dibadbax nabadeed dhigaan ka hor kulanka weyn ee Manchester derby, kaas oo Axadda ka dhici doona garoonka Old Trafford.
Dibadbaxan ayaa salka ku haya tallaabooyinka uu kooxda qaaday ee la xiriira la dagaallanka dadka si sharci-darro ah u iibinaya tigidhada, kuwaas oo kooxda ay ku tilmaantay ticket touts, Qaar ka mid ah taageerayaasha ayaa ku eedeeyay Manchester United inay bartilmaameedsatay taageerayaal aan waxba galabsan, iyadoo la sheegay in qaar laga mamnuucay garoonka ama laga qaaday tikidhada xilli-ciyaareedka iyada oo aan loo soo bandhigin caddeymo ku filan.
Kooxda taageerayaasha ee The 1958 ayaa sheegtay in xaaladdu ay gaartay heer aan la aqbali karin, iyagoo taageerayaasha ugu baaqay inay si mideysan uga qeyb qaataan dibadbaxa.
Taageerayaasha ayaa lagu wadaa inay isugu yimaadaan Bishop Blaize pub, oo ku dhow Old Trafford, laga bilaabo 3-da galabnimo ee Axadda, ka hor inta uusan bilaaban kulanka Manchester United iyo Manchester City.
The 1958 ayaa sheegtay in kooxaha kala duwan ee taageerayaasha Manchester United ay tahay inay hal meel ku midoobaan, gaar ahaan arrinta la xiriirta mamnuucista taageerayaasha iyo cunaqabateynta tikidhada xilli-ciyaareedka.
Kooxdu waxay ku dooday in taageerayaasha Manchester United ay jiilal badan ku bixiyeen waqtigooda, lacagtooda iyo daacadnimadooda, iyagoo kooxda u raaca kulamada guriga iyo kuwa martida ah.
Sida ay sheegeen, daacadnimadaas waa in kooxda ay ku beddeshaa ixtiraam iyo caddaalad.
The 1958 waxay sidoo kale carrabka ku adkeysay in arrintan aysan ku koobnayn hal taageere ama hal koox oo taageerayaal ah, balse ay tahay arrin khuseysa dhammaan dadka sida joogtada ah u taga Old Trafford.
Waxay ka digeen in haddii maanta taageere gaar ah uu saameynayo, berri ay qof kale ku dhici karto.
The 1958 ayaa ugu baaqday dhammaan taageerayaasha Manchester United inay hal cod noqdaan, iyadoo fariintooda ugu weyn ay tahay:
“Caddeynta soo bandhiga, mamnuucistana qaada.”
Sidaas darteed, indhaha ayaa hadda ku jeeda Old Trafford Axadda, iyadoo dibadbaxa taageerayaasha uu dhici doono ka hor kulanka Manchester derby, waxaana la sugayaa sida maamulka Manchester United uga jawaabi doono cadaadiska sii kordhaya ee taageerayaasha.
Be the first to comment