SPORT:- Xiisad Culus oo laga soo sheegayo kahor kulanka Barcelona & Valencia Maxaa soo kordhay ?

Barcelona ayaa galabta marti u ah  Valencia, iyadoo labada kooxood ay isku wajahayaan garoonka Mestalla, kulan ka tirsan wareegga afaraad ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedka 2026/27, Barcelona ayaa kulanka ku galeysa niyad wanaagsan, kaddib markii ay guuleysatay saddexdii kulan ee ugu horreeyay horyaalka, waxayna hadda leedahay  9 dhibcood .

Kooxda Barcelona  ayaa doonaysa inay Valencia ka soo qaadato saddexda dhibcood, taasoo u saamaxaysa inay gaarto  12 dhibcood oo ay si keligeed ah ugu qabato hoggaanka horyaalka, Wararka laga helayo magaalada Valencia ayaa sheegaya in jawiga ka horreeya kulanka uu yahay mid aad u kacsan.

Taageerayaasha Valencia ayaa la filayaa inay dibadbaxyo iyo mudaharaadyo ka sameeyaan maamulka kooxda, iyagoo ka cabanaya bilowga xilli ciyaareedka iyo siyaasadda suuqa kala iibsiga ee xagaagan, Valencia ayaa saddexdii kulan ee hore horyaalka ka heshay  hal dhibic oo keliya , taasoo keentay caro xooggan oo ka dhex dhalatay taageerayaasha kooxda.

Milkiilaha Valencia,  Peter Lim , ayaa maanta gaaray magaalada Valencia isagoo kusafray diyaarad khaas ah, balse wali lama xaqiijin inuu kasoo muuqan doono garoonka Mestalla marka labada kooxood ay ciyaarayaan, Waxaa sidoo kale jira walaac ku saabsan amniga kulanka, iyadoo la xusuusan yahay dhacdooyin rabshado wata oo dhacay xilli ciyaareedkii hore.

Kulankii Barcelona iyo Valencia ee sanadkii hore, taageerayaal ka tirsan kooxda martida loo yahay ayaa lagu soo warramay inay dab qabadsiyeen waxyaabo ayna waxyaabo ku tuureen ciidamada booliska kaddib markii baska Barcelona uu magaalada soo galay.

Barcelona ayaa sidoo kale walaac ka muujisay amniga, gaar ahaan kaddib dhacdooyinkii muranka dhaliyay ee ka dhacay kulankii ay la ciyaartay Elche bilowgii xilli ciyaareedka, Dhacdadaas ayaa keentay in taageerayaal Barcelona ah ay dhaliil u jeediyaan booliska, iyagoo ku eedeeyay inay xoog xad-dhaaf ah adeegsadeen bannaanka garoonka Martínez Valero.

Inkasta oo jawiga Mestalla la filayo inuu noqdo mid kulul, Barcelona waxay kulanka ku galeysaa kalsooni sare, ooxda reer Catalonia ayaa badisay dhammaan saddexdii kulan ee ay ciyaartay, waxaana guul kale ay siin kartaa 12 dhibcood , taasoo ka dhigi karta inay si buuxda ula wareegto hoggaanka La Liga, Valencia, dhankeeda, waxay u baahan tahay guul degdeg ah si ay uga soo kabato bilowga liita ee xilli ciyaareedka.

Kulanka Barcelona iyo Valencia ayaa sidaas darteed la filayaa inuu noqdo mid xamaasad badan, iyadoo natiijadu muhiim u tahay labada dhinac: Barcelona waxay raadineysaa hoggaanka horyaalka, halka Valencia ay doonayso inay soo celiso kalsoonida taageerayaasheeda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga