Manchester United: Carrick oo wajahaya cadaadis weyn kadib bilowga fowdo ah & isku dhex yaacsanaan

Michael Carrick ayaa wajahaya cadaadis sii kordhaya kadib markii Manchester United ay si aan qancinin ku bilaabatay xilli ciyaareedka 2026/27, iyadoo kooxda ay saddex kulan ka heshay kaliya 4 dhibcood, United ayaa guuldarro kala kulantay Hull City, waxay barbaro la gashay Ipswich Town, halka kulankii ugu dambeeyay ee Everton ay 2-2 ku kala baxeen, Dhibaatada ugu weyn ee muuqata ayaa noqotay difaaca, iyadoo United lix gool laga dhaliyay saddexdii kulan ee hore.

Carrick ayaa difaacay bilowga kooxdiisa, isagoo sheegay in United aysan si xun u bilaaban, balse wuxuu qiray in tirada goolasha laga dhalinayo ay tahay arrin aan la iska indho tiri karin, Manchester United waxay suuqa xagaaga si weyn ugu maalgelisay khadka dhexe, iyadoo la keentay Youri Tielemans, Andrey Santos iyo Carlos Baleba, kharashka guudna lagu qiyaasay £155 milyan.

Si kastaba, maalgelintaas wali ma aysan xallin dhibaatada kooxda. Carrick wuxuu u baahan yahay inuu helo isku-dheelitir sax ah oo khadka dhexe ah, si ay kooxda u hesho difaac wanaagsan iyo awood weerar oo isku dheelli tiran, Inkasta oo United ay khadka dhexe xoojisay, haddana waxay suuqa xagaaga ku guuldarreysatay inay hesho xoojin weyn oo difaaca ah, gaar ahaan booska daafaca bidix. Arrintan ayaa hadda dib u soo cusboonaatay kadib lixda gool ee laga dhaliyay saddex kulan.

Carrick wuxuu hadda haystaa shaqo adag: inuu hagaajiyo difaaca, isla markaana uu khadka dhexe ka dhigo mid kooxda ilaalin kara marka ay cadaadis kala kulanto kooxaha waaweyn, Cadaadiska Carrick wuxuu sii kordhayaa iyadoo United ay hadda wajahdo Champions League iyo kadib Manchester City, Kooxdu waxay u baahan tahay inay si degdeg ah u hagaajiso khaladaadka difaaca, sababtoo ah haddii ay sii waddo inay si fudud goolal u ogolaato, kulamada waaweyn ee soo socda waxay noqon karaan kuwo aad u adag.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga