Paul Scholes oo Carrick kula taliyay inuu kursiga keydka dhigo Saxiixa £62.5 milyanlaha, kulanka derby Manchester

Halyeeyga Manchester United Paul Scholes ayaa tababare Michael Carrick kula taliyay inuu wax ka beddelo shaxdiisa, isla markaana uu Benjamin Šeško ku soo bilaabo kulanka adag ee Manchester City, Scholes ayaa aaminsan in United ay u baahan tahay weeraryahan dhexe oo dhab ah, gaar ahaan kaddib qaab ciyaareedkii ay kooxda soo bandhigtay kulankii ay barbaraha 2-2 la gashay Everton.

Šeško ayaa kulankii Everton kasoo kacay kursiga keydka, waxaana uu u muuqday inuu Manchester United u dhaliyay goolka guusha, balse Ainsley Maitland-Niles ayaa daqiiqadihii dheeriga ahaa Everton u keenay goolka barbaraha, Xiddiga reer Slovenia ayaa sidoo kale muujiyay inuu saameyn weyn leeyahay marka uu beddel ahaan kusoo galo, Scholes ayaa sidaas darteed doonaya in Carrick uu kulanka Manchester City ku soo bilaabo.

Scholes wuxuu sheegay:- “Waxaan dareemay in United ay aad uga labalabeynaysay kulankii Everton,  Ma jirin dagaal iyo weerar xooggan, iyadoo Everton ay ahayd koox laga faa’iideysan karay.”

Scholes ayaa si gaar ah u tilmaamay Matheus Cunha, isagoo sheegay in doorkiisa saxda ah aan weli si cad loo qeexin:- “Cunha si dhab ah uma naqaan inuu yahay No.10 ama garab, laakiin waxa hubaal ah inuusan ahayn No.9. Daawashada Manchester United oo aan lahayn weeraryahan dhexe waa arrin adag.”

Halyeeyga United ayaa aaminsan in joogitaanka Šeško uu siin karo kooxda meel ay kubadda hore ku tiirsanaato iyo qaab weerar oo nidaamsan, Manchester United ayaa Axadda garoonkeeda ku martigelin doonta Manchester City, kulan si weyn muhiim ugu ah Carrick iyo kooxdiisa.

United waxay saddexdii kulan ee ugu horreeyay horyaalka ka heshay hal guul, hal barbaro iyo hal guuldarro, halka City ay xilli ciyaareedka si wanaagsan ku bilaabatay, Carrick ayaa horey u muujiyay inuu awood u leeyahay inuu City ka adkaado, isagoo xilli ciyaareedkii hore hoggaamiyay United markii ay Manchester Derby-ga guul ka gaareen.

Scholes ayaa hadda doonaya in Carrick uu sameeyo isbeddel muuqda, isagoo Šeško kusoo bilaabaya weerarka, xitaa haddii taasi ka dhigan tahay in ciyaaryahan qaali ah sida Cunha uu kursiga keydka fariisto.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga