DIB U-EEGID:- Rikooradii Taariikhii Raphinha & sida uu jebiyey Rikoorki Messi & Barcelona oo taarikh dhigtay

Kooxda uu hoggaamiyo Hansi Flick ayaa si fiican u fahamtay nidaamka tababaraha, waxaana ciyaartoydu u muuqdeen kuwo si dabiici ah u garanaya waxa laga doonayo, iyagoo soo bandhigay qaab ciyaareed indha daraan dar leh & guul weyn.

Barcelona ayaa sidaas ugu sagootisay Mestalla-kii hore ee LaLiga guul weyn oo 5-0 ah, Barcelona oo rikoor cusub sameysay, guushan ayaa Barcelona ka caawisay inay sameyso rikoor muhiim ah, Kooxda ayaa laba kulan oo xiriir ah oo marti ah LaLiga ku dhalisay shan gool, Barcelona ayaa 5-0 ku garaacday Elche kulankii hore, waxaana markale 5-0 lagu garaacay Valencia.

Tani waxay Barcelona ugu horreysay tan iyo Sebtembar 2016, markaas oo ay 5-1 ku garaacday Leganés iyo 5-0 ku garaacday Sporting de Gijón laba kulan oo xiriir ah oo bannaanka ah.

Raphinha ayaa isna galay taariikhda LaLiga, xiddiga reer Brazil ayaa noqday ciyaaryahankii labaad qarnigan 21-aad ee dhaliya lix gool afarta kulan ee ugu horreeya xilli-ciyaareedka LaLiga, Ciyaaryahanka kale ee sidaas sameeyay waa Lionel Messi, kaas oo Barcelona u dhaliyay lix gool afartii kulan ee ugu horreeyay laba xilli-ciyaareed oo kala duwan: 2012/13: 6 gool,  2013/14: 6 gool

Gordon wuxuu noqday ciyaaryahankii saddexaad qarnigan 21-aad ee sameeya  afar caawin afarta kulan ee ugu horreeya LaLiga, Labada ciyaaryahan ee kale ee hore u sameeyay arrintan waa Cesc Fàbregas iyo Luis Suárez, kuwaas oo labaduba Barcelona u ciyaaray.

Fermín López ayaa isna sii xoojiyay bilowgiisa wanaagsan, Wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Isbaanish ah ee Barcelona u dhaliya afar gool afarta kulan ee ugu horreeya LaLiga, tan iyo Cesc Fàbregas xilli-ciyaareedkii 2011/12.

Kulankii Valencia wuxuu Fermín sameeyay wax kale oo gaar ah, isagoo noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee hal kulan ku dhaliya gool isla markaana bixiya caawin 25-ka daqiiqo ee ugu horreeya kulan LaLiga ah xilli-ciyaareedka 2026/27.

Rodrigo Hernández ayaa kulankii Valencia gaaray kulan muhiim u ah xirfaddiisa LaLiga, Wuxuu ciyaaray kulankiisii 100-aad ee LaLiga, waxaana kulankan uu ahaa markii ugu horreysay ee uu Barcelona ugu soo bilowdo kulan horyaalka ah, Rodrigo ayaa sidoo kale muujiyay saxnaan sare oo baasaska ah, isagoo tartanka ku dhammeystiray ku dhowaad 90% baasaskiisa.

Lamine Yamal oo fariin cad diray, Guusha Mestalla waxay Barcelona siisay wax ka badan saddex dhibcood. Waxay sidoo kale fariin cad u dirtay kooxaha kale ee LaLiga.

Lamine Yamal ayaa si gaar ah uga jawaabay hadalladii iyo falanqayntii badnayd ee laga sameeyay xaaladdiisa, isagoo ciyaarta ku muujiyay inuu weli yahay mid ka mid ah hubka ugu muhiimsan ee weerarka Barcelona.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga