Halyeeygii Real madrid oo uqiray Lamine Yamal hal arin oo aan marna lagu gaareynin ……

Steve McManaman, xiddigii hore ee Real Madrid iyo Liverpool, ayaa hadal weyn ka yiri Lamine Yamal, isagoo ku tilmaamay inuu yahay ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee kubadda cagta lagu arkay isagoo 17 jir ah, McManaman oo Real Madrid u ciyaaray intii u dhaxaysay 1999 iyo 2003 ayaa sheegay in Yamal uu xitaa ka sarreeyo Lionel Messi iyo Michael Owen markii ay labadoodu isku da’ ahaayeen.

“Waxaan hubaa in Lamine Yamal uu yahay ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee aan aragnay isagoo 17 jir ah, Waa da’yarkii ugu fiicnaa ee aan ku aragnay garoomada kubadda cagta.”

McManaman ayaa sheegay inuu isbarbardhigay Yamal iyo Owen oo 17 jir ahaa, iyo Messi xilligii uu jiray 17 ama 18 sano, balse uu aaminsan yahay in Yamal uu labadoodaba kaga sarreeyo marka la eego heerka uu gaaray da’daas.

McManaman wuxuu sheegay in Yamal uu durba noqday xiddig caalami ah, isla markaana uu leeyahay awood uu mustaqbalka uga sii fiicnaado.

Wuxuu tilmaamay in Yamal uu leeyahay: Xirfad kubadeed oo heer sare ah, Awood farsamo oo aan caadi ahayn , Kartida inuu ciyaarta iskiis u beddelo ,Fursad uu mustaqbalka ku noqon karo mid ka mid ah ciyaartoyda ugu waaweyn dunida, Si kastaba, wuxuu kula taliyay Yamal inuu sii wado shaqada adag, horumarinta qaab ciyaareedkiisa iyo kasbashada khibrad badan.

Wuxuu sheegay in ciyaaryahan da’ yar oo 16, 17 ama 18 jir ah marka uu si joogto ah u ciyaaro oo uu noqdo xiddiga ugu muhiimsan kooxdiisa, ay jirkiisa saari karto culays weyn, Wuxuu rajaynayaa in Yamal uu ka fogaado dhaawacyada, gaar ahaan kadib dhaawac muruq ah oo uu la kulmay dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga