Liverpool Oo Loo Ogolaaday Difaaca Brazil Ee Uu Raadinayey Jurgen Klopp Iyo Kooxda Ku Haysata

Kooxda kubadda cagta Sao Paulo ayaa albaabada u furtay Liverpool, waxaanay u ogolaatay in ay la saxeexato difaaca uu tababare Jurgen Klopp raadinayo ee Lucas Beraldo, kaas oo sidoo kale ay doonayaan kooxo kale oo horyaalka Premier League ah.

Beraldo oo ay da’diisu tahay 20 jir ayaa xilli-ciyaareedkiisii koowaad la dhamaystay kooxda koowaad ee Sao Paulo oo uu si rasmi ah ugu soo dallacay qaybtii hore ee xilli-ciyaareedkii 2022, isla markaana uu si joogto ah ugu dheelayay, waxaanu kula guuleystay koobkii ugu horreeyey ee kooxdaasi qaaddo ee Copa do Brazil.

Laacibkan oo soo jiitay indhaha dad badan, ayaa waxa isaga iyo labada ciyaartoy ee kale ee Rodrigo Nestor oo 23 jir ah iyo Pablo Maia oo 21 jir ah si weyn ula socday kooxaha waaweyn ee Yurub.

Liverpool oo uu ka dhaawacmay Joel Matip oo la filayo inuu muddo dhawr bilood ah ka maqnaado, ayaa waxa kaliya oo ay haysataa Virtil van Dijk iyo Ibrahima Konate, iyadoo Joe Gomez uu u yahay laacibka kaliya ee u fadhiya, halka Jarell Quansah ay kasoo dallacsiiyeen kooxda da’yarta.

Klopp ayaa waxa la sheegay in uu doonayo in Beraldo ay kooxdiisu la saxeexato bisha January ee foodda inagu soo haysa, iyadoo sidoo kalena ay danaynayaan laacibkan kooxaha Wolves, Bayern Munich, Lyon iyo Monaco.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga