McManaman wuxuu sidoo kale ka hadlay José Mourinho iyo soo laabashadiisa Real Madrid, Wuxuu xusay in Mourinho uu hore ula soo shaqeeyay ciyaartoy waaweyn sida Cristiano Ronaldo, Iker Casillas iyo Sergio Ramos, sidaas darteed uu khibrad u leeyahay maaraynta qol labiska ay ka buuxaan xiddigo.
Wuxuu sidoo kale saadaaliyay in Real Madrid ay ka sarre mari doonto Atlético Madrid, balse uu aaminsan yahay in hadafka ugu weyn uu yahay in kooxda Los Blancos ay Barcelona ka horreyso horyaalka La Liga, Markii laga hadlay tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka 2026/27, McManaman wuxuu sheegay in kooxaha ugu cadcad ay yihiin:
🇫🇷 Paris Saint-Germain
🇪🇸 Real Madrid
🇪🇸 Barcelona
🇩🇪 Bayern Munich
🏴 Arsenal
🏴 Liverpool
Wuxuu sheegay in nasiibka, isku aadka iyo qaabka kooxuhu xilligaas ku jiraan ay door weyn ka ciyaari doonaan cidda ku guuleysata koobka.
Be the first to comment