Xulka Germany Oo Ku Dur-duriyay Scotland Guul Weyna Ku Bilowday Euro 2024.

Xulka Qaranka Germany ayaa guul ku Bilowday tartanka Euro 2024 iyaga Oo xasuuqay xulka Scotland.

Kulanka Oo furitaan u Ahaa tartanka ayuu xulka Germany Soo bandhigay awoodiisa ciyaareed.

Xulka Germany ayaa u awood sheegatay xulka Scotland Oo 10 xiddig ku dhamaystay Inta badan ciyaarta.

Daqiiqdii 10- ayuu xulka Germany dhaliyay goolka furitaanka waxana u dhaliyay xiddiga Wirtz kaas Oo hogaanka u dhiibay xulkiisa.

Germany ayaan Halkaas ku joogsan waxana ay daqiiqdii 19-aad dhaliyeen goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Jamal Musiala kaas Oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Xiddig Kai Havertz ayaa goolka 3-aad u dhaliyay xulkiisa daqiiqdii 45-aad.

Qaybtii dambe ee Ciyaarta ayuu xulka Germany Sii waday wacdarihii uu dhigayay waxana goolka 4-aad u dhaliyay xiddiga Füllkrug kaas Oo ciyaarta ka dhigay 4/0.

Xulka Scotland ayaa daqiiadii 86-aad helay gool sharafeed waxana si khaldan isaga dhaliyay daafaca Antonio Rudiger kaas Oo Ciyaarta ka dhigay 4/2.

Laakiin xulka Germany ayaa Soo afjaray goolasha waxana gool qurux badan u dhaliyay xiddiga Emre can kaas ciyaarta ka dhigay 5/2.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta Oo uu xulka Germany xasuuqay Scotland Guul Weyna Ku Bilowday Euro 2024.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga