Xiddig U Soo Ciyaaray Chelsea Oo Qirtay In Uu Ka Shaqaynayo Heshiiska Uu Victor Osimhen Ugu Biirayo Kooxda.

Laacibka reer Nigeria John Obi Mikel ayaa qirtay inuu ka shaqeynayo sidii weeraryahanka Napoli Victor Osimhen uu ugu biiri lahaa Chelsea.

Obi Mikel ayaa sheegay in kooxdiisii hore ee Chelsea ay u baahan tahay weeraryahan sida Osimhen.

“Weli waxaan ahay ‘wakiilkiisii’, waxaan isku dayayaa inaan isaga geeyo Chelsea, sidaas darteed waxaan helayaa 20% heshiiskaa, aan rajayno in auu heshiisku dhoco”ayuu yidhi.

“Waxaan u maleynayaa inay jirto xiiso dhab ah oo labadooda ah, wuu jecel yahay kooxda, wuxuuna doonayaa inuu yimaado kooxda, isagoo si cad u raacay wadadeyda iyo wadada xiddigaha reer Nigeria ee Victor Moses iyo Celestine Babayaro”.

“Waxa uu eegay London iyo sidoo kale magaalo cajiib ah, halkii uu aadi lahaa Liverpool, laakiin sidoo kale waxa uu xiiseynayaa Paris Saint-Germain, Manchester United, laakiin weli waan riixayaa oo u dirayaa fariimaha, waxaan rajeynayaa inuu yimaado kooxda. waayo wax badan buu keeni doonaa”.

“Qof kasta oo daawaday finalka Carabao Cup [vs Liverpool] Axadii wuxuu arki doonaa hal shay oo naga maqan waa gool, waxaan u baahanahay weeraryahan gool dhalin kara, taasina waa waxa Victor ku siin karo ma ahan ciyaaryahanka ugu xirfadda badan, laakiin Waxa uu dammaanad qaadayaa goolasha”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga