Ten Hag: Kama Cabsanayno Man City

Erik ten Hag ayaa sheegay in kooxdiisu ayna ka cabsanayn Man City ka hor kulankooda adag ee premier League.

City ayaa 3-0 ku badisay garoonka Old Trafford bishii November, waxaana ay badiyeen 14 ka mid ah 15-kii kulan ee ugu dambeysay oo ay booqdeen  tan iyo bartamihii bishii December.

Kooxda United ayaa heshay natiijooyinkeedii ugu fiicnaa laakiin wali waa koox dhaawacyo hareeyeen.

Inkasta oo ay Man City ugu cad-cad ku guulaysiga kulanka hadana Ten Hag ayaa sheegay in kooxdiisu ayna ka cabsanayn Man City.

“Waxay haystaan ​​koox fiican laakiin waxaa jira kooxo kale oo fiican,” ayuu ku jawaabay ninka reer Holland.

“Waxay ku guuleysteen wax walba xilli ciyaareedkii hore, laakiin waan ognahay waana taas waana cabaqad ay tahay in aan ka gudubno”.

“Waan jecelnahay kulamada sidan oo kale ah waanan sugi laanahay in aan ciyaarno”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga