RASMI: Declan Rice Oo Abaalmarin Ku Guulaystay.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal Declan Rice ayaa ku guulaystay xiddiga ugu fiican abaalmarinta London Awards ee xilli ciyaareedkan.

Declan Rice ayaa wacdaro dhigaya xilli ciyaareedkan isaga oo kooxdiisa Arsenal ku soo kordhiyay wax weyn tan ilaa markii uu yimid kooxda.

Xiddiga reer England ayaa Arsenal ka caawiyay in ay ku tartanto koobabka premier League iyo champions League ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Iyada oo la qiimaynayo qaab ciyaareedkiisa xiddiga Declan Rice ayaa loo doortay xiddiga ugu fiican premier League xilli ciyaareedka ee abaalmarinta London Awaards.

Rice ayaa 105 milyan ugu soo biiray Arsena xagaagii laakiin waxa uu haatan qiimahaas u muuqdaa mid aad u jaban marka la eego qaab ciyaareedkiisa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga