WAR CULUS Man United oo £43M kudoonaneysa Saxiix culus & Chelsea oo kula tartamaysa!

Manchester United ayaa sameynaysa tallaabo dambe oo suuqa kala iibsiga ah, iyadoo warar ka imaanaya Spain ay sheegayaan in kooxda ay qorsheynayso inay u dhaqaaqdo xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid, Eduardo Camavinga.

Sida uu qorayo The Sun, warbixintan waxaa markii hore laga helay Cadena SER, waxaana la sheegayaa in United ay diyaarinayso dalab hordhac ah oo gaaraya £43 milyan.

Camavinga ayaa hadda wajahaya xaalad adag oo ka jirta Real Madrid, waxaana la sheegay inuu hoos uga dhacay mudnaanta tababare José Mourinho. Tababaraha Madrid ayaa doorbidaya ciyaartoyda khadka dhexe sida Tchouaméni iyo Valverde, halka sidoo kale kooxda ay xagaagan keentay Bernardo Silva, Manchester United ma ahan kooxda kaliya ee xiisaynaysa ciyaaryahanka reer France.

Chelsea ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay ku jirto tartanka Camavinga, taasoo ka dhigan in haddii Real Madrid ay diyaar u noqoto iibinta ciyaaryahanka, ay dhici karto inuu bilaabmo tartan u dhexeeya labada kooxood ee Premier League.

Si kastaba, dhibaatada ugu weyn ee United ayaa ah rabitaanka ciyaaryahanka, warbixintu waxay sheegaysaa in Camavinga uu doorbidayo inuu sii joogo Real Madrid, inkastoo booskiisa kooxda koowaad uusan hadda ahayn mid la hubo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga