Xiddig U Ciyaara Liverpool Oo Magacaabay Kooxda Uu Ku Riyoonayo In Uu Ku Biiro.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Alexis Mac Allister ayaa qirtay inuu jeclaan lahaa inuu ku laabto Boca Juniors mar uun xirfadiisa ciyaareed.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina ayaa xagaagii hore Anfield uga soo dhaqaaqay Brighton & Hove Albion, waxaana uu kor u qaaday koobkiisii ​​ugu horeeyay ee Liverpool ka dib markii ay Reds 1-0 kaga badisay Chelsea finalkii Carabao Cup.

Mac Allister, 25, ayaa Brighton kaga soo biiray Argentinos Juniors 2019, laakiin waxa uu amaah ku qaatay lix bilood Boca Juniors ka hor inta uusan si joogto ah ugu biirin Brighton.

Amaahda ayaa loogu tala galay in ay qaadato xilli ciyaareed buuxa, si kastaba ha ahaatee waxaa dib ugu yeertay goor hore Brighton.

Xiddiga reer Argentine ayaa kaliya 20 kulan amaah ugu ciyaaray kooxda Boca Juniors isaga oo u dhaliyay 2 gool halka uu caawiye ka noqday 4 kale wakhtigaas.

Hadda, Mac Allister ayaa qirtay inuu jeclaan lahaa inuu ku laabto kooxdii uu taageeray yaraantiisii ka hor inta uusan soo afjarin xirfadiisa ciyaareed.

“Ma jecli inaan ballan qaado inaan soo laaban doono sababtoo ah xaqiiqadu waxay tahay in weli ay jirto waddo dheer, laakiin wax kasta ayaa dhici kara.

“Sida iska cad, rabitaanku waa jiraa, gaar ahaan sababtoo ah wakhtigayga Boca wuxuu ahaa mid aad u gaaban, waxaana jeclaan lahaa inaan sii joogo halkaas, laakiin wakhti ayaa sheegi doona haddii aan suurtogalnimadaas haysto oo ay i siyaan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga