Hodhac: Nottingham Forest Vs Liverpool: Reds Oo Rikoodh Xun Kun Leh City Ground

kooxda Liverpool ayaa Marti u noqonaysa kooxda Nothingham Forest kulan ka tirsan horyaalka premier protein.

Reds ayaa doonaysa in ay sii wado guulaha premier league si ay u sii hogaamiso horyaalka.

Dhinaca kale Forest Oo rikoosh fiican ku leh Liverpool ayaa doonaysa in ay sii wadato rikoodhkaaas.

Kulanka: Nottingham Forest Vs Liverpool

Tartanka: Premier league

Wakhtiga: 6:00

Garoonka: City Ground

XAQIIQOOYINKA KULANKA

Liverpool ayaa ku guuldareysatay inay badiso 13 kulan oo isku xigta oo horyaalka oo ay martida u tahay Nottingham Forest (7 bar-baro, iyo 6 guuldarro) tan iyo markii ay 2-0 kaga badiyeen City Ground 28kii October 1984, markaasoo Ronnie Whelan iyo Ian Rush ay goolal dhaliyeen.

kooxda martida ah ayaan wax guul ah gaadhin 13 kulankii kulan ee ugu dambeeyay ee labada kooxood dhexmara horyaalka premier league iyada Oo kooxda martida loo yahay badisay 9 kulan Halka ay 4 kulan ee kale bar-baro ku dhamaadeen.

Garoonka City Ground ayaa ah garoonka kaliya ee ay Liverpool ku ciyaartay in ka badan hal kulan oo horyaalka Premier League ah isla markaana ay ku guuldareysatay inay hal guul ah ka gaarto (3 barbaro iyo 3 guuldarro).

garoomada kale ee ayna Liverpool guul ka gaadhin Ayaa kala ah Bloomfield Oo ay ku ciyaarto Blackpool, halkaas oo laga badiyay 2011, iyo garoonka Luton ee Kenilworth Road oo ay bar-baro ku galeen horraantii xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga