Xiddig U Ciyaara Barcelona Oo Diiday Abaalmarintii Xiddiga Ugu Fiican Kulankii El Clásico.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Raphinha ayaa si cad u sheegay dareenkiisa in aanu u qalmin abaal marinta xiddigii ugu fiicnaa kulankii ugu dambeeyay ee kooxda.

Kooxda Barcelona ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid.

Xiddiga Raphinha ayaa wacdaro dhigay kulanka isaga oo dhaliyay laba gool waxana uu caawiyay mid kale.

Qaab ciyaareedka ayaa keenay in Raphinha loo magacaabo xiddiga ugu fiican ciyaarta.

Si kasta ha ahaatee xiddiga reer Brazil ayaa diiday in uu gudoomo abaalmarinta isaga oo sharaxaya ayaa Yidhi”“Maanta si fiican uma ciyaarin, uma qalmo abaalmarinta xiddiga ugu fiican ciyaarta qof kale ayaan siin lahaa.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga