Wataru Endo Oo Rikoodh Cajiib Ah U Dhigay Liverpool Xilli Ciyaareedkan.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Wataru Endo ayaa sii wada qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa ee xilli ciyaareedkan.

Wataru Endo ayaa ilaa haatan sameeyay rikoodh cajiib ah xilli ciyaareedkan kaas oo muujinaysa sida uu muhiim ugu yahay kooxda Liverpool.

Xiddiga reer Japan ayaa kooxdiisa ka caawiyay in ay hesho natiijooyin fiican tan ilaa markii uu yimid kooxda.

Kooxda Liverpool ayaan wax guuldaro ah la kulmin marka uu xiddiga Wataru Endo ku bilowdo shaxda kooxda Liverpool.

Wataru Endo ayaa ilaa haatan kooxdiisa u ciyaaray kulamo badan waxa guuldaro ahna lama kulmin.

Xiddiga Wataru Endo ayaa kooxdiisa u ciyaaray 12 Kulan tartamada oo dhan waxana a badiyeen 9 kulan halka ay bar-baro galeen 3 kale.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga