
Xavi ayaa ka baxay aamusnaantiisii ku aadanaa tababaristiisii Barcelona, 10 bilood ka dib markii uu xilka ka qaaday madaxweynaha kooxda Joan Laporta.
Ka dib 22 sano oo xirfad ciyaareed ah, oo 18 ka mid ah ay la soo qaateen kooxda reer Catalan, Xavi wuxuu xirtay kabaha tababarka isaga oo hogaaminayay kooxda Barcelona.
Xavi ayaa 3 sano ku qaatay Barcelona isaga oo kooxda kula guulaystay La Liga iyo waliba Spanish Super Cup in 2022-23.
Xilli ciyaareedkii xiga ayaan ahayn mid fiican iyada oo Barcelona 10 dhinacood ka dambaysay kooxda ku guulaystay Horyaalka ee Real Madrid.
Xavi ayaa ku dhawaaqay in uu ka tagayo Kooxda bishii January 2024 kana tagayo dhamaadka xilli ciyaareedkaas laakiin go’aankiisa ayuu badalay waxana uu u saxiixay kooxda laakiin waxa shaqada Kaga caydhiyay bilo kadib.
Halyeyga khadka dhexe ayaa hadda ka Hadlay Sababtii uu uga tagay kooxda Barcelona.
“Sannadkii iyo badhkii ugu horreeyay ee aan Barca joogay aad iyo aad buu u fiicnaa. Waxaan mashruuc wanaagsan la yeelanay Mateu Alemany iyo Jordi Cruyff, kaasoo noo ogolaaday inaan ku dhameysano kaalinta labaad ee LaLiga, ka hor inta aysan qaadin 2023, iyo sidoo kale Spanish Super Cup”
“Kadibna natiijadu way yaraayeen. Bixitaankii Jordi iyo Mateu waxay ahayd dharbaaxo adag”.
Be the first to comment