Xavi: Barcelona Ayaa Hogaamin Lahayd Horyaalka Hadii Halkan Arin Dhici Lahayd.

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Xavi ayaa la yimid Fikrad kadib markii ay kooxdiisu soo yaraysay dhibcaha ay ka dambayso kooxda Real Madrid.

Kooxda Barcelona ayaa guul 2/1 ah ka gaadhay kooxda Celta Vigo kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Barcelona ayaa 8 dhibcood ka dambaysa kooxda Real Madrid oo aan wali ciyaarin kulankeedii horyaalka ee Todobaadkan.

Kadib guushii ay Barcelona gaadhay Xavi ayaa sheegay in ay kooxdiisu hogaanka u hayn lahayd horyaalka hadii ay dhamaystiri lahaayeen fursadihii ay heleen.

“Hadii aan dhamaystiri lahayn fursadaha aan helon, waxa aan hogaanka u hayn lahayn horyaalka”ayuu Xavi yidhi.

“Waxa ay i tuseen xogta ku saabsan arintaas”ayuu sii raaciyay.

Barcelona ayaa haatan ku jirta kaalinta 3-aad ee kala saraynta horyaalka waxana ay ku jiraan kaalmaha loogu soo boxo champions League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga