Lewandowski Oo Dhaafay Rikoodh Uu Thierry Henry U Dhigay Barcelona.

Labo gool oo uu Robert Lewandowski ka dhaliyay Celta ayaa ka dhigan inuu dhaliyay goolkiisii ​​49-aad iyo 50-aad ee shaadhka Blaugrana, isagoo ka sare maray Thierry Henry.

Waxaa cajiib ah, in weeraryahanka reer Poland u baahday wakhti ka yar wakhtiga Halyeeyga reer France oo u baahday 3 sano oo uu ciyaaray 121 kulan si uu u dhaliyo 49 gool.

Laakiin Lewandowski ayaa kaliya ku dhaliyay 49 gool 79 kulan oo uu u ciyaaray kooxda Barcelona.

Isagoo Camp Nou ku yimid lacag dhan 45 milyan oo euro suuqii January 2022 Lewandowski ayaa wacdaro ka dhigay horyaalka La Liga isag oo ko ku guulaystay gool dhalinta La Liga xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay.

In kasta oo xilli ciyaareedkan uu 35-sano jirku ahaa mid aan fiicnayn, haddana waxa uu sii wadaa qaab ciyaareedkiisa isagoo dhaliyay 17 gool, waxaana uu caawiyey 6 gool 33 kulan oo uu saftay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga