Jamie Carragher Oo Magacaabay Faa’iidada Ay Arsenal Iyo Liverpool Heleen Kadib Bar-Barihii Man City.

Jamie Carragher ayaa aaminsan in barbaraha ay Manchester City la gaadhay chelsea ay kalsooni siin doonto kooxaha horyaalka kula xifaaltamaya ee Liverpool iyo Arsenal.

Gool uu dhaliyay Rodri ayaa Man City ka caawiyay in ay hal dhibic kala baxdo kulankii Mauricio Pochettino ee chelsea.

Si kasta ha ahaatee dad badan ayaa aaminsan in ay Man City laba dhibcood lumisay xilli ay doonayaan in ay Liverpool iyo Arsenal ku garaacaan horyaalka premier League.

Man City ayaa haatan 4 dhibcood ka hoosaysa Liverpool inkasta oo ay kulan baaqi u haystaan halka ay sidoo kale 2 dhicbood ka hoosayso kooxda Arsenal.

Carragher oo ka hadlayay Sky Sports ciyaarta kadib ayaa yiri: “Waxaa jirta wado dheer oo loo socdo laakiin waxaa jiri doona dareen weyn Liverpool iyo Arsenal hadda.

“Waxay siin doontaa kalsooni ah in City ay dhibco lumin karto taasna waxay siin doontaa labada kooxood fursad kaliya ma aha inay ku guulaystaan ​​horyaalka laakiin in ay dagaalamaan ilaa dhamaadka”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga