XASAASI: Xiddig Man United Oo Xaqiijiyay Tababaraha Badali Doona Erik Ten Hag

Ugu yaraan hal ciyaaryahan oo Manchester United ah ayaa filaya Gareth Southgate inuu bedelo Erik ten Hag xagaagan, sida laga soo xigtay ciyaaryahankii hore ee Liverpool Jason McAteer.

Mustaqbalka Ten Hag ee Old Trafford ayaa u muuqda mid aan la hubin iyadoo United ay u dhacday guuldarro 1-0 ah oo ay gurigeeda kaga soo gaartay Arsenal axadii, waxaana ay hadda halis ugu jiraan inay waayaan dhamaan tartamda yurub xilli ciyaareedka dambe.

Dhowr tababare ayaa durba lala xiriiriyay United xagaagan, waxaana ku jira Thomas Tuchel, kaasoo qarka u saaran inuu ka tago Bayern Munich dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Si kastaba ha ahaatee, McAteer ayaa sheegay in uu la hadlay hal xubin oo ka tirsan kooxda United todobaadkii hore kaas oo aaminsan in Man United u dhaqaaqi Doonto Southgate Kadib tartanka Euro 2024.

“Ma magacaabi doono magacyo sababtoo ah ma doonayo inaan sheego qofka uu yahay laakiin wuxuu u ciyaaraa Man United, wadahadal ayaan la yeeshay Jimcihii, waan la kulmay isaga”McAteer ayaa sidaas yidhi. beIN Sports.

“Sheeko ayaa na dhexmaray, waxa aan wax Ka Waydiiyay dhamaadka xilli ciyaareedka iyo cida uu filayo in ay noqon Karto tababaraha cusub ee kooxda”.

McAteer ayaa la Waydiiyay in uu tababaruhu yahay Southgate waxana uu ku Jawaabay” Haa, kaas ayuu ii Magacaabay”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga