Sababta Dib U Dhigtay Ku Dhawaaqista Heshiiska Ay Liverpool Ku Diidayso Arne Slot Oo La Ogaaday.

Kooxda Liverpool ayaa si aad ah loola xidhiidhinayaa tababaraha kooxda Feyenoord ee Arne Slot.

Arne Slot ayaa in badan xaqiijiyay in uu doonayo in uu tababare u noqdo kooxda Liverpool.

Liverpool ayaa Arne Slot u calaamadsatay badalka Jurgen Klopp oo ka tagaya kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Laakiin heshiiska ayaan lagu dhawaaqin inkasta oo muddo dheer lala xidhiidhinayay tababaraha.

Wargayska Mirror Football ayaa shaaca ka qaaday sababta ka dambaysa dib u dhaca ku dhawaaqista heshiiska tababaraha.

Wargayska ayaa sheegaya in dib u dhaca ku dhawaaqista heshiiska tababaraha sabab u tahay in ayna labada kooxood wali ka heshiin qiimaha shaqaalaha tababarka ee soo raacaya Arne Slot.

Feyenoord ayaa doonaysa in ay Liverpool bixiso lacag dhan 2 milyan oo dheeraad ah hadii ay doonayso in ay helaan Arne Slot Iyo dhamaan shaqaalihiisa tababarka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga