QISO XANUUN BADAN : “Maradona-ga Ingiriiska” ilaa darawal Taxi – Sheekada Sonny Pike oo digniin u ah ciyaartoyda da’da yar

Sonny Pike, oo ahaa wiil Ingiriis ah oo lagu tilmaami jiray inuu noqon karo “Maradona-ga Ingiriiska”, ayaa noqday tusaale muujinaya sida cadaadiska, sumcadda iyo rajada xad-dhaafka ah ay u dhaawici karaan mustaqbalka ciyaaryahan da’yar, Pike wuxuu hibadiisa kubadda cagta muujiyay isagoo 6 jir ah, markaas oo uu u ciyaarayay kooxda carruurta ee Enfield Colts. Markii uu 10 jir noqday ayuu ku biiray Enfield, waxaana sumcaddiisu si weyn u kortay markii la ogaaday inuu tijaabo u galay Ajax Amsterdam, oo 1995 ku guuleystay Champions League.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa xilligaas ugu yeertay “Maradona-ga Ingiriiska”, waxaana si weyn u xiiseeyay kooxo ay ka mid ahaayeen Manchester United, Tottenham, Ipswich iyo Norwich, Pike wuxuu sidoo kale helay heshiisyo xayeysiis oo waaweyn, oo ay ka mid ahaayeen McDonald’s iyo Coca-Cola, halka warar kale ay sheegayeen in labada lugood lagu caymiyay £1 milyan.

Laakiin sumcadda weyn waxay keentay cadaadis culus. Pike wuxuu sheegay in markii warka ku saabsan caymiska lugihiisa la faafiyay, taageerayaasha kooxaha kale ay aflagaaddo iyo hanjabaado u jeedin jireen, isagoo sidoo kale sheegay in dhibaatooyin uu kala kulmay iskuulka iyo noloshiisa caadiga ah.

Xitaa safarkiisii Ajax waxaa la socday koox duubis ah oo ka socotay barnaamijka carruurta ee Blue Peter ee BBC-da. Wuxuu sidoo kale bandhigyo kubadeed ku sameeyay Wembley, wuxuuna kasoo muuqday xayeysiisyo telefishan.

Markii uu ku biiray Leyton Orient, xaaladdu waxay gaartay meel xasaasi ah. Aabihii ayaa la xiriiray wariye si loo sameeyo barnaamij telefishan, balse waxa uu noqday baaritaan lagu magacaabay “The Fair Game”, kaas oo ka hadlayay sida carruurta loogu soo xusho looguna dhex daro kubadda cagta.

Barnaamijka oo ITV laga sii daayay 1996 ayaa Pike lagu tusay isagoo tababar ku qaadanaya dharka Chelsea, iyadoo barnaamijku xusayay eedeymo la xiriiray lacag-bixinno aan sharci ahayn.

Arrintaas kadib, Xiriirka Kubadda Cagta Ingiriiska (FA) ayaa baaritaan sameeyay, waxaana Pike laga ganaaxay ciyaaraha muddo hal sano ah.Ganaaxaasi wuxuu sababay in heshiisyadii xayeysiiska iyo taageerada ganacsi la joojiyo, halka uu sidoo kale lumiyay sanad muhiim u ahaa horumarintiisa kubadeed, Cadaadiskaas ayaa sidoo kale sababay khilaaf qoys, gaar ahaan waalidkiis, iyadoo hooyadii ay ka soo horjeedday sida wiilkeeda loogu dhex waday dunida sumcadda iyo ganacsiga.

Kadib markii ganaaxii dhammaaday, Pike wuxuu isku dayay inuu dib ugu soo laabto kubadda cagta, isagoo tijaabooyin la galay kooxo ay ka mid ahaayeen Grimsby Town, Queens Park Rangers iyo Crystal PalaceLaakiin cadaadiskii iyo rajadii laga qabay ayaa saameyn weyn ku yeeshay. Pike wuxuu sheegay in markii uu QPR tagay uu u arkayay inay tahay fursaddiisii uu dib ugu bilaabi lahaa kubadda, balse uu aad uga walwali jiray qolka labiska ka hor kulamada.

Ugu dambeyn, wuxuu waayay xamaasaddii iyo jacaylkii kubadda cagta ee uu carruurnimadiisii lahaa, wuxuuna 18 jirkiisii ku dhowaad ka fariistay kubadda cagta, Maanta, Sonny Pike wuxuu darawal Taxi ka yahay London, wuxuuna ku nool yahay Essex, Sanadkii 2021, wuxuu soo saaray buug uu kaga sheekeeyay waayo-aragnimadiisa oo cinwaankiisu yahay “The Greatest Footballer That Never Was”, Sheekadiisa ayaa noqotay tusaale ku saabsan khatarta ka dhalan karta carruurta si xad-dhaaf ah loogu geliyo sumcad, xayeysiis iyo cadaadis kubadeed iyagoo weli aad u da’yar.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga