WARBIXIN: Xiddigaha Goolasha Ugu Badan Ka Dhaliyay Kulan Kaliya Premier League Oo La Soo Saaray.

Horyaalka Premier League waa hoyga weeraryahanada ugu fiican adduunka, waxaana lagu arkay ciyaaro waali ah taariikhdiisa quruxda badan.

Weeraryahan kasta waxa uu ku riyoodaa in uu saddexley ka dhaliyo premier League laakiin waxa jira xiddigo kooban oo 3 gool ka dhaliyay horyaalka halka ay ka sii adagtahay in la dhaliyo wax ka badan 3 gool kaliya 90 daqiiqo.

Marar dhif ah ayay dhacdaa in uu xiddig kulan kaliya ka dhaliyo 4 gool waana waxa uu sameeyay xiddiga Cole Palmer kulankii Brighton ee premier League.

Si kasta ha ahaatee waxa ay shaqada palmer cajiibka u tahay ayaa ah in uu dhamaan goolasha wada dhaliyay qaybtii hore ee ciyaarta waana wax uuna xiddig kale ka samayn taariikhda premier league.

Inasta oo uu dhigay rikoodh ay adkaan doonto in la jabiyo hadana Palmer ayaan ahayn xiddiga dhaliyay goolasha ugu badan kulan kaliya premier League, rikoodhaas waxa haysta 5 halyeey.

Xiddigaha Halyeeyada ah ee Andy Cole, Alan Shearer, Jermain Defoe, Dimitar Berbatov & Sergio Aguero ayaa sidaas sameeyay.

Hadaba waa kuwee xiddigaha goolasha ugu badan ka dhaliyay premier League kulan kaliya:

1.Andy Cole wuxuu ahaa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Premier League ah ee shan gool ka dhaliya hal kulan, isagoo sidaas sameeyay kulankii Ipswich Town xilli ciyaareedkii 1994/95. Halyeeyga Manchester United ayaa dhaliyay goolashiisii ​​rikoorka ahaa ee ay 9-0 kaga badiyeen kooxda Ipswich.

2.Laacibka labaad ee tiradaas gaara ayaa lagu doodi karaa inuu ahaa weeraryahankii abid ugu weynaa Premier League, Alan Shearer, Newcastle ayaa 8-0 ku garaacday Sheffield Wednesday xilli ciyaareedkii 1999/2000 waxana uu Shearer dhaliyay 5 gool.

3.Toban sano oo dhan ayay ku qaadatay in ciyaaryahan kale uu rikoodhkan dhigo, laakiin ugu dambeyntii waxay dhacday markii Jermain Defoe uu shan gool u dhaliyay Tottenham kulankii Wigan Athletic ee 2009/10.

4.Hal xilli ciyaareed ka dib, waxa ay mar kale dhacday markii Dimitar Berbatov uu 5 gool ka dhaliyay kooxda Man United 7/1 kaga badisay Blackburn Rovers.

5.Ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee hal kulan dhaliyay shan gool waa Sergio Aguero. Halyeeyga Man City ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jiray markii Cityzens ay 6-1 ku garaacday Newcastle xilli ciyaareedkii 2015/16.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga